HOR DHAC: Juventus Vs. Napoli

juve-vs-napoli

(Turin) 29 Okt 2016. Juventus wax ay soo dhaweyn doontaa Napoli kulan ka tirsan Serie A-ga.

Kooxda Allegri si dhaqsiyo leh ayuu uga soo kabatay guul daraddii Milan waxa ayna rabtaa in ay wadada guulaha sii ambaqaado.

Juventus

-Kaddib markii uu is bedelo badan sameeyey bartamihii toddobaadka, Massimiliano Allegri waxa uu safi doonaa kooxda ugu adag.

– Claudio Marchisio waxa uu rabaa in uu kulankii labaad oo xiriir ah dheelo kaddib ka soo kabashadiisi dhaawac muddo dheeraa halka Paublo Dybala uu isna diyaar u yahay booskiisa dullaanka.

-Dani Alves ayaa la filayaa in uu booska uga hormaro Juan Cuadrado marka laga yimaado in Colombian-ka bandhig wanaagsan kala hor yimi Sampdoria.

Napoli

– Maurizio Sarri lama filayo in uu is bedel badan ku sameeyo safkiisa.

RAAD RAAC

-Juventus 34 ka mida 38dii kulan ee ugu dambeeyey Serie A-ga wey badisay

-Napoli kama aysan badin Juventus lixdii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ku booqato Juventus Stadium.

SAFAFKA LA FILI KARO

juve

Gegida: Juventus

Saacadda Geeska Africa: 9:45Pm.

Dhex dhexaadiyaha: Gianluca Rocchi

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close