HOR DHAC: Crystal Palace Vs. Liverpool

thumb_17178_default_news_size_5

(London) 29 Okt 2016. Liverpool waxa ay booqan doontaa gor gorada kulanka 10-aad ee Premier League.

Ciyaartan ayaa imaneysa xilli Reds ay EFL-ka ku soo khaarajisay Spurs oo kalsooni weyn qabta.

WARARKA LABADA NAADI

Liverpool

– Divock Origi shaki ayaa ku jira kaddib jug soo gaartay kulankii EFL Cup-ka ee ay Liverpool 2-1 ku garaacday Totenham.

– Mamadou Sakho, Sheyi Ojo iyo Joe Gomez dhammaantood ma ciyaari doonaan.

-Jurgen Klopp bedelo badan ayuu sameyn doonaa isaga oo keydka u dhaadhicin doona ciyaaryahano badan oo EFL Cup-ka dheelay.

-Taas waxa ay ka dhigan tahay in Daniel Sturridge uu keydka  u dhici doono xilli uu Anfield laba gool ku dhaliyey.

Crytal Palace

– Scott Dann iyo  Jason Puncheon labadaba shaki ayaa ku jira.

– Pape Souare, Loic Remy iyo  Jonathan Benteke dhammaan wey seegi doonaan kulankan.

Christian Benteke waxa uu markii ugu horreeysay ka hor imaan doonaa kooxdiisii hore.

RAAD RAAC

-Liverpool waxa ay badisay shan ka mida lixdii kulan ee Premier League ugu dambeeysay.

-Labadii kulan ee ugu dambeeyey Premier League midna waxa ayna bar bar dhac 0-0 la gashay United halka kii ugu dambeeyey ee ay 2-1 ku martay West Brom.

SAFAFKA LA FILI KARO

c-v-l

Gegida: Selhurst Park

Saacadda Geeska Africa: 7:30 Pm

Dhe dhexaadiyaha: Andre Marriner

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close