Aaron Ramsey iyo Giroud oo la heli karo laakiin Cazorla, Walcott iyo Monreal

caz

(London) 28 Oktoobar 2016. Aaron Ramsey ayaa ku soo laabtay shaxda Arsenal ee wajaheysa Sunderland kaddib markii uu ka soo laabtay dhaawac sida uu xaqiijiyay tababare Arsene Wenger.

Xiddiga qadkad dhexe ayaa la dhibtoonayay dhaawac muruqa ah ee ka soo gaaray kulankii furitaanka ay kooxdiisu guul darada 4-3 kala kulantay Liverpool tan iyo maalintaana kama soo muuqan kooxda ka hor inta uusan tababarka ku soo laaban usbuucii la soo dhaafay.

Ramsey back in Arsenal squad, confirms Wenger

Wenger ayaana iminka xaqiijinaya in Ramsey uu ka soo muuqan karayo kulanka ay berito la yeelanayaan kooxda ugu hooseysa horyaalka ee Sunderland taa oo aan wax guul ah gaarin sagaal kulan.

“Waxaan heli karnaa Olivier Giroud iyo Aaron Ramsey oo ku soo laaban doona shaxda,” Wenger ayaa sidaa u sheegay saxaafada.

Yeelkeede, waxaa shaki laga qabaa Santi Cazorla, kaa oo tijaabooyin taam ahaanshiiisa mari doona maanta oo jimco ah ka hor kulanka ay sabtida u safri doonaan Stadium of light.

“Waxaan shaki yar ka qabnaa Walcott, Monreal iyo Cazorla, tijaabooyin ayay mari doonaan maanta.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close