Weeraryahanka cusub ee Arsenal Lucas Perez oo la aaminsan yahay inuu garoomada ka maqnaan doono muddo dhan….

ll

(London) 27 Oktoobar 2016. Dhaliyaha cusub ee Gunners Lucas Perez oo ay ku adkaatay nolosha England ayaa garoonka ka baxay isagoo dhutinaya kulankii dhawaa ay Arsenal ka adkaatay Reading EFL Cup.

IB Times ayaa sheeganeysa in la filayo in weeraryahanka reer Spain uu garoomada ka maqnaado bisha November oo idil kaddib markii la xaqiijiyay dhaawac canqowga ah.

The Spanish striker pulled up with an ankle injury against Reading

Tottenham, Manchester United iyo PSG  ayaa ka mid ah kulamada muhiimka ah ee lagu wado inuu ka maqnaado 28-jirka.

Perez ayaa laga doortay Giroud kulankii xalay ee Reading maadaama uu saddexleey dhaliyay kulankii hore ay Arsenal ka soo adkaatay Nottingham Forest, balse nasiib darro waxaa soo gaaray dhaawac daqiiqadii 72-aad ee dheesha.

Xiddiga reer Spain ayaa isku dayay inuu sii wato ciyaarta balse way u suuro gali waysay waxaana ugu dambeyn lagu badelay Chris Willock.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close