WAR CUSUB: Mesut Ozil oo wada hadalo qarsoodi ah la yeeshay kooxdan……

ozil

(London) 27 Oktoobar 2016. Kubbad qaabeeyaha reer Germany ee kooxda Arsenal Mesut Ozil ayaa la warinayaa inuu wada hadalo qarsoodi ah la yeeshay koox ka dhisan Yurub sida ay sheegayaan warar ka yimid dalka Turkiga.

Ozil ayaa la kulmay wakiilo ka socda naadiga Fenerbahce mar uu fasax gaaban ku joogay Istanbul.

Jariiradda Hurriyet ee ka soo baxda dalka Turkiga ayaa warineysa in xiddiga Arsenal uu la fariistay shaqsiyaad muhiim ah oo ka socda naadiga Fenerbahce si uu ugala hadlo u soo dhaqaaqistiisa.

Mesut Ozil Arsenal

Kulanka ayaa la warinayaa inuu ahaa mid sir ah iyadoo 28-jirka uu 17-saacadood ku qaatay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Ozil ayaa mar uu sanadkii hore soo booqday isla magaaladan soo dhigay boggiisa Instagram qoraal ahaa: “Markasta waa fikir fiican, waan jeclahay magaaladan.”.

Sidoo kale xiddiga qadka dhexe ayaa si cad uga hadlay sanadkii la soo dhaafay inuu jeclaan lahaa inuu u ciyaaro Fenerbahce.

“Mustaqbalka waxaan doonayaa inaan xirto maaliyada Fenerbahce, sharaf ayay ii noqon doontaa,” Ozil ayaa sidaa yiri bishii July ee la soo dhaafay.

“Qofkasta wuu og yahay inaan ahay taageere Fenerbahce.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close