Sir Alex Ferguson oo kooxdan u saadaaliyay hanashada Premier League…(Ma ahan Man United)

fer

(England) 27 Oktoobar 2016. Tababarihii hore ee Man United Sir Alex Ferguson ayaa tilmaamay kooxda uu u arko inay ugu cad cadahay hanashada horyaalka Premier League ee kal ciyaareedkan.

Kooxda iminka farqiga goolasha hogaanka Premier League kaga heyso Liverpool iyo Arsenal ee Man City ayuu Ferguson u arkaa inay ugu cad cadahay hanashada horyaalka ee sanadan.

Image result for Guardiola and Man city

Chelsea iyo Tottenham ayaa iyana hal dhibic oo qura u jira hogaanka halka Man United ay 6-dhibcood kor u fiirineyso Man City.

“Way ka adag tahay in la saadaaliyo sida ay ahayd sanado badan ka hor.” Ferguson ayaa sidaa u sheegay Kicker.

“Waxaan aaminsanahay inay jiraan 5- musharax, Manchester City ayaa ugu cad cad, Tottenham iyo Liverpool, laakiin sidoo kale Man United halkaa ayay joogta haddii aan xoogaa joogteyn ah helno goor dhow.

“Xitaa marka lagaa sareeyo lix ama sideed dhibcood, weli waa suuro gal inaad soo qabato hal ama labo kooxod.

“Xifaaltanka iyo khibrada Guardiola iyo Mourinho ayaa ka dhigeysa tartan xiiso leh. Mana ilaawi kartid Arsenal, kooxda aad ayay u adag tahay.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close