Mamadou Sakho oo garwaaqsaday inuusan mustaqbal ku lahayn Liverpool diyaarna u ah inuu isaga tago

football-premier-league-international-cup-liverpool-fc-v-wolfsburg-fc

(Liverpool), 27 Okt 2016   –Wararka ka imaanaya Faransiiska ayaa sheegaya in Daafaca kooxda Liverpool ee u dhashay Faransiiska Mamadou Sakho uu garwaaqsaday inuusan mustaqbal ku lahayn kooxda Liverpool ee uu tababaraha u yahay Jurgen Klopp, waxaana uu diyaar u yahay inuu naadiga isaga tago sida uu sheegayo Wargeyska ‘L’Equipe’.

Tan iyo markii kooxda Liverpool uu macallin u noqday Klopp ayaa Sakho oo 26 jir ah waxaa laga saaray liiska xulashada 1-aad, waxaana Warbaahinta Ingiriisku tilmaamayaan in uu diyaar u yahay in bisha Janaayo uu ka tago kooxda si uu bad baadsado waayihiisa ciyaareed.

Kooxda Lille ee Faransiiska ayaa ka mid ah naadiyada danaynaya Sakho waloow mushaarkiisa 100,000 oo giniga istarliinka ah toddobaadkii uu xoogaa ku culus yahay.

Maalintii ugu dambeysay suuqii kala iibsiga ciyaartoyda Bishii August ee xilli ciyaareedkan ayaa Tababare Klopp waxa uu is hor taagay wada hadallo uu Sakho doonayay in uu amaah ahaan ugu wareego Stoke City, iyadoo kaddibna xidiggu intuu xanaaqay bartiisa internet-ka ku soo qoray “Been ma aqbali karo, anigu waan fiyoobahay waxaana u baahanahay in la i ciyaarsiiyo”.

Hadalladaasi ayaa waxay keeneen in tababare Klopp uu Sakho ku ciqaabo inuu la tababarto ciyaartoyda da’doodu ka hooseyso 23 sano ee Liverpool.

Sakho waxa uu Liverpool ku soo biiray 13 bilood ka hor markii uu u saxiixay heshiis 5 sanadood ah, laakiin wax kulan ah uma uusan ciyaarin tan iyo kulankii Liverpool ay 4-0 kaga badisay Everton Bishii April, ciyaartaas oo uu Sakho gool dhaliyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close