Kaddib guuldarradii ka soo gaartay Man United taageerayaasha Man City oo xalay jajabiyey Musqulaha Old Trafford… + SAWIRRO

(Manchester) 27 Okt 2016 – Taageerayaasha kooxda Manchester City qaarkood oo xalay ka carooday guuldarradii ka soo gaartay naadiga ay daris wadaagga yihiin ee Man United ayaa burburiyey musqulaha garoonka Old Trafford.

Man City ayaa xalay guuldarro 1-0 oo ay kala kulantay Man United kaga hartay tartanka League Cup, iyadoo kooxda Jose Mourinho ay u soo baxday siddeed dhammaadka tartanka, taasoo ka dhigan in kooxda Sky Blues aysan badinin 6 kulan oo xiriir ah.

Kaddib guuldarradaas taageerayaasha Man City ayaa caradooda kala dul dhacay musqulaha garoonka Old Trafford iyagoo bur-bur xoog leh u gaystay, waxaana sawirrada la baahiyey ay muujinayaan taageerayaasha oo qoslaya isla markaana jajabiyey musqulaha qeybta martida ee garoonka Old Trafford.

SAWIRRO:

musqul-1

musqul-1

musqul-2

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close