Jose Mourinho oo markale ka raali galiyay taageerayaasha Man United guul daradii Chelsea…(Bal eeg wixii uu sameeyay markii ay dhamaatay ciyaartii xalay ee Man United iyo Man City)

mo

(Manchester) 27 Oktoobar 2016. Jose Mourinho ayaa markale taageerayaasha Man United ka raali galiyay guul daradii qaraareyd ee 4-0 ee ka soo gaadhay Chelsea horyaalka Premier League kaddib ciyaartii xalay.

Man United ayaa gool madi ah ku martay Man City kulankii xalay ku dhex maray Old Trafford League Cup sidaana ugu gudubtay wareega 8 dhammaadka.

Jose Mourinho ayaa markii ay ciyaartu dhamaatay la arkayay isagoo u jeestay dhanka taageerayaasha isla markaana madaxa u foorariyay isagoo ka raali galinaya guul daradii 4-0.

Malaha Jose wuxuu saluugsan yahay raali galintiisii hore mise wuxuu is yiri laguma qancin tii hore.

Mo ayaa madaxa hoos u dhigay dabadeed gacanta ka tilmaamay 4-0.

EEG SAWIRADA:

http://images.performgroup.com/di/library/GOAL_INTERNATIONAL/78/3b/

http://images.performgroup.com/di/library/GOAL_INTERNATIONAL/5a/6e/

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close