DEG DEG: Banaadir oo u soo gudubtay Finalka koobka Janeraal Daa’uud

banadir-vs-heegan-16

(Muqdisho) 27 Okt 2016 Kooxda Banaadir ayaa u soo gudubtay Final-ka koobka  Janeraal Daa’uud kadib markii ay rigoorooyin uga adkaatay dhigeeda Heegan.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 0-0, waxaana jiray in labada kooxood ay iska qasaariyeen fursado loo fishay goolal.

Qaybtii dambe, C/risaaq Zlatan ayaa hogaanka u dhiibay naadiga Heegan, Banaadir ayaana isku dayday inay soo gudo goolka looga hormaray.

Daadir Amiin ayaa u soo barbareeyay kooxda Banaadir goolkii looga hormaray, ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 1-1 waqtigii loogu talo galay.

Maadama kulanku uu yahay Semi Final, waxaa lagu qasbanaaday in labada koox lagu kala saaro gool ku laad, Banaadir ayaana 4-3 uga adkaatay kooxda Heegan.

Waxaa xusid mudan in Deeq Aariyo uu gool ku laadkii ugu danbeeyay uu ka khasaariyay kooxdiisa Heegan.

Banaadir ayaa Final-ka la ciyaari doonta kooxda Jeenyo oo shalay u soo baxday Finalka koobkaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close