Barcelona oo Jose Mourinho la wadaagi doonta Hotel-ka uu deggan yahay ee Manchester

1200x559_exterior-night

(Manchester), 27 Okt  2016  –Kooxda Kubadda Cagta Barcelona ee Waddanka Spain oo Talaadada soo socota oo ku beegan 01 November, ciyaar ka tirsan is aragga Qaybaha ee Champions League garoonka Etihad kula yeelan doonta kooxda Manchester ayaa waxay kireysan doonaan Hotel-ka qaaliga ah ee ‘Lowry Hotel’ ee magaallada Manchester.

Barcelona ayaa Hotel-kaasi la wadaagi doonta Tababaraha kooxda Manchester United, Jose Mourinho oo isagu deegaan ahaan u deggan halkaasi inta uu guri ka helayo.

Mourinho ayaa xaaskiisa iyo labadiisa carruurta ah kaga soo tegay magaallada London si uu u guto shaqadiisa Macallinimo ee Manchester, iyadoo wareysi uu bixiyayna ku sheegay inuu nolol aan wacneyn ku nool yahay maadaama uu ka dheer yahay reerkiisa isla markaana uusan ka dhuuman karin saxaafadda oo ka war haysa inuu Hotel-kaasi seexdo.

Dhinaca kale Lugtii hore ee Champions League ayaa Arbacadii la soo dhaafay Barcelona waxa ay 4-0 kaga soo badisay Manchester City garoonkeeda Camp Nou ee Magaallada Barcelona.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close