Thomas Vermaelen oo dib ugu laaban doona kooxda Barcelona

(Barcelona) 26 Okt 2016 Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain, daafaca reer Belgium ee Thomas Vermaelen ayaa la soo sheegayaa inuu dib ugu laaban doono kooxdiisa Barcelona.

Kooxda Roma ayaa amaah hal xiliciyaareed ah ku soo qaadatay 31 jirka reer Belgium suuqii xaggaaga, waxaana ku jiray heshiiskii uu ugu biiray qodob qoraya inay wada iibsan karaan.

Shabakada reer Spain ee Don Balon ayaa daaha ka qaaday in Thomas Vermaelen uu dhaawac uga maqanyahay kooxda isla markaana uusan sifiican u caawin ilaa haatan, kooxda reer talyaani ayaana qorshaynaysa inay dib ugu celiso Barcelona.

Vermaelen 1

Thomas Vermaelen ayaa la maqan dhaawac soo gaaray bishii September, wuxuuna u saftay Roma horyaalka kaliya laba kulan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close