Rooney oo diiddan inuu ka tago Manchester United illaa inta uu ka jebinayo Rikoorkii Sir Bobby Charlton

nintchdbpict000222144942-e1477429574449

(Manchester), 26 Okt 2016  –Wararka ka imaanaya Ingiriiska ayaa sheegaya in Weeraryahanka Manchester United, Wayne Rooney uu diiddan yahay in uu ka tago MU illaa inta uu ka jebinayo Rikoorka dhaliyihii ugu goolasha badnaa naadiga ee Sir Bobby Charlton kaasoo dhaliyay 294 gool.

Wargeyska ‘The Sun’ ayaa qoray in Roonay uu aad uga xun yahay in isagoo aan gaarin yoolkaasi weyn uu waayo booskiisa joogtada ah ee Manchester United, waxaana Rooney jebinta Rikoorkaasi soo taagnaa muddo 40 sanadood ah haatan uga harsan 4 gool oo qura.

Warar hoose oo ay soo heshay Warbaahinta Ingiriiska ayay ku soo ogaatay in Tababare Mourinho uu Wakiilka Wayne Rooney u sheegay in uusan boos joogto ah ka heleynin safka 1-aad ee Man United, isla markaana uu koox kale raadsado haddii uu doonayo.

Rooney oo 31 jir ah ayaa isku dayi doona in uu magiciisa ku qoro Diiwaanka Manchester United isla markaana noqdo dhaliyihii ugu goolasha sarreeyay taariikhda kooxdani.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close