Borussia Dortmund oo shaacisay qiimaha ay ku fasaxayso Aubameyang

Image result for aubameyang vs real madrid

(Dortmund) 26 Okt 2016 Kooxda reer jarmal ee Borussia Dortmund ayaa shaacisay qiimaha ay ku fasaxayso weerar yahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Laacib kaan ayaa aad loola xiriiriyay kooxda Real Madrid ee dalka Spain oo uu si cad u sheegay inuu taageere u yahay isla markaana uu doonayo inuu u ciyaaro mustaqbalka.

Wargayska Bild ayaa daabacay in kooxda Borussia ay ku wargalisay Real Madrid inay soo fariisan doonaan miiska wada hadalka marka ay soo gudbiyaan dalab dhan 80 milyan oo euro.

Image result for aubameyang vs real madrid

Agaasimaha kooxda Borussia Dortmund ayaa dhankiisa horay u shaaciyay in wax walba ay ku xiranyihiin kooxda Real Madrid haddii ay doonayaan dhamaystirka saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang.

Kooxda ayaa sidoo kale maalmo ka hor shaacisay inay iska diiday dalab dhan 65 milyan oo euro oo kooxda Manchester City ay ka soo gudbisay 27 jirka reer Gabon.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close