Ambrosini; “Milan ma lahan tayo ay ku qaaddo H/Talyaaniga laakiin boos Champions League way heli kartaa”

ambrosini-skyy-475x269

(Milan), 26 Okt 2016   –Xidiggii hore ee kooxda AC Milan 18 sanadood oo waayihiisa ciyaareed ka mid ah u soo dheelay ee Massimo Ambrosini ayaa aaminsan in Milan aysan la’ahayn Tayo ay ku qaaddo Horyaalka Serie A-da Talyaaniga xilli ciyaareedkan.

Milan waxay Sabtidii 1-0 ku garaacday kooxda hoggaanka Talyaaniga haysa ee Juventus iyadoo kaddibna ay soo baxday saadaalin tilmaamaysa inayba dhici karto inay ku guuleysato Scudetto.

Laakiin guushaasi waxaa ka dambeysay guuldarro 3-0 oo ay AC Milan xalay kala kulantay kooxda Geona, waxaana milan ay haatan kala sarreynta kooxaha Italia kaga jirtaa kaalinta 3.

“Inay la tartanto Juventus iyo Roma, Milan ma lahan tayo ay ku qaaddo Horyaalka Talyaaniga” ayuu Ambrosini u sheegay ‘Sky’.

“Milan uma qaabeysna inay guuleysato, laakiin waa koox muuqaal fiican leh marka xilli ciyaareed qurux badan ayay u noqonaysaa marka loo eego sanadihii dambe” ayuu sii raaciyay Ambrosini.

“Waqti ayay qaadanaysaa iyo deganaan, kooxda Milan ee haatan lama tartami karto Napoli iyo Juventus, laakiin booskooda Yurub waa ay ku hardami karaan”.

Massimo oo 39 jir ah waxa uu xusay in qaabka ay haatan tahay Milan ay u dagaallami karto boos ka helidda Koobka Champions League wax intaa ka badan in la weydiiyana aysan xaq ahayn.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close