Kooxda Liverpool oo u gudubtay wareegga siddeeda ee League Cup kaddib guul ay ka gaartay Tottenham, xilli labo jeer uu shabaqa soo taabtay Sturridge… + Sawirro

(Liverpool) 25 Okt 2016 – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa u gudubtay wareegga siddeeda ee League Cup kaddib guul muhiim ah oo ay ka gaartay Tottenham, iyadoo labo gool uu dhaliyey Reds weeraryahankeeda Daniel Sturridge.

Liverpool ayaa goolasha la horreysay waxaana goolka hore u dhaliyey 9’daqiiqo Daniel Sturridge, kaddib markii uu dhammaystiray baas loo soo dhigay isagoo ku jira xerada ganaaxa, markii xiddigaha Spurs ay isku qaldeen kubadda.

Goolkaas koowaad waxa uu ahaa goolkii sagaalaad oo uu Daniel Sturridge la dhiyo siddeedii kulan ee ugu dambeeyey oo uu ciyaaray tartankan League Cup.

Markale Daniel Sturridge ayaa shabaqa soo taabtay 64’daqiiqo kaddib markii uu si wacan labadiisa lugood kubadda uga dhex dusiyey goolhayaha Tottenham, kaddib baas uu ka helay saaxiibadiisa Reds, waxaana uu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku gacan sarreysay kooxdiisa Liverpool.

Goolka labaad ee Daniel Sturridge ayaa ka dhignaa inuu dhaliyey 10 gool siddeedii kulan ee ugu dambeeyey oo uu League Cup ciyaaray.

Kooxda Tottenham ayaa hal gool iska soo guday waxaana uu ahaa gool ku laad loo dhigay, iyadoo Spurs uu rigooradaas u dhaliyey 76’daqiiqo Vincent Janssen, laakiin goolkaasi guuldarro kama badbaadin kooxda ka dhisan magaalada London.

Inkastoo fursado dhowr ah ay labada dhinac iska lumiyeen qeybtii dambe ayaa haddana kulanku ugu dambayn waxa uu ku soo idlaaday 2-1 ay ku adkaatay Liverpool.

SAWIRRO:

cvox6w1xyaephhq

cvox6wyxyaaisrj

cvox6xgwgaegkfl

cvox6yjwcaathrk

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close