Ciyaartoyda Barcelona oo xalay Gebi ahaanba Qaadacay Xafladdii lagu bixinayay Abaalmarinnada La Liga

cvtd8tawaaa8mcm

(Barcelona), 25 Okt 2016     –Ciyaartoyda kooxda Barcelona iyo Madaxdooda ayaa xalay dhammaantood qaadacay oo soo xaadiri waayay Xafladdii lagu bixinayay Abaalmarinnadii 2015/16 ee xiddigihii iyo Tababarihii ugu fiicnaa kaddib markii ay liiska musharrixiinta Tababaraha ugu fiican ka waayeen macallinkooda Luis Enrique.

Warbaahinta Kubadda Cagta ayaa sheegay in Sababta Barcelona go’aankaas u qaadatay ay tahay kaddib markii Tababare Enrique oo kooxdiisu ku guuleysatay La Liga aan xitaa lagu soo darin liiska tababarayaashii u sharraxnaa abaalgudkaasi, iyadoo tababarihii ugu fiicnaa loo doortay Diego Simeone.

Lionel Messi ayaa loo doortay Weeraryahankii ugu fiicnaa, halka Suarez loo doortay Xidiggii ugu wacnaa ciyaartoyda Ajnabiga ah ee ka dheesha La Liga .

Carles Rexach oo ah Safiirka Barcelona ayaa xafladdaasi xalay tagay waxaana uu isagoo metelaya Barcelona soo qaaday abaalmarintii la siiyay Messi.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close