“Waa inaan ka daba tagnaa Juventus” – Leandro Paredes

(Roma) 24 Okt 2016 Laacibka kooxda Roma ee Leandro Paredes ayaa ka hadlay guushii waynayd ee kooxdiisu ay xalay ka gaartay kooxda Palermo.

Roma ayaa soo tiigsatay booska labaad iyaga oo gool dhalin uga haaya kooxda AC.Milan oo ay wada leeyihiin min 19 dhibic, waxayna 2-dhibic u soo jirsadeen kooxda Juventus.

Leandro Paredes ayaa sheegay in guushii xalay ay gaartay Roma ay u ahayd mid muhiim ah maadama ay ka daba imaadeen kooxda hogaanka haysa ee Juventus.

“Muhiimadu waxay ahayd inaan guulaysano, marka aad guul gaarto kulamo badan sifiican ayaad u ciyaaraysaa, waxaadna helaysaa kalsooni badan” ayuu yiri Leandro Paredes.

“Juventus? Muhiim ayeey noo ahayd inaan ka daba tagno Juventus, waxaana haboon inaan ku sii socono wadadaas” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close