Thiago Silva oo ka hadlay wararka la xiriirinaya kooxda Juventus

silva-1

(Paris) 24 Okt 2016 Kabtanka kooxda PSG ee Thiago Silva ayaa ka hadlay wararka la xiriirinaya kooxda Juventus oo si wayn u doonaysa saxiixiisa.

Thiago Silva ayaa ku jira xiliciyaareedkiisii ugu danbeeyay ee qandaraaskiisa PSG, Juve ayaana shaacisay inay isku dayi doonto soo xerogalinta daafaca reer Brazil.

32 jirka reer Brazil ayaase sheegay inuu doonayo inuu iska sii joogo kooxda reer France isla markaana uu ku haminayo inuu u saxiixo heshiis cusub.

silva

“Waxaan doonayaa inaan heshiiska u kordhiyo PSG, wadahadaladu goor dambe ayeey istaageen mana garanayo sababta” ayuu yiri Thiago Silva.

“Waxaan u baahanahay inaan la hadalno madaxwaynaha, si aan u sii joogo halkaan” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close