Ronaldo oo ku jira waqtigiisii ugu xumaa tan iyo markii uu ku soo biiray Real Madrid

cristiano-ronaldo-real-madrid-athletic-bilbao-la-liga-23102016_ewzhwy2sng7f1g6wku8nyueun

(Madrid) 24 Okt 2016. Real Madrid xitaa hadii ay xalay I dirqi ah 2-1 uga badisay Athletic Club si ay u xejisato hogaanka La Liga, laakiin uma wanaagsana xaalka xiddigeheeda.

Cristiano Ronaldo xaalka ayaa ku adkaa tan iyo bilowgii oolahan waxa uuna hada diiwaan gashtay bilowgii ugu liitay marka ay timaado dhammaan xilli ciyaareedyadii uu u dheelay Los Blancos.

Laacibka u dhashay Portugal kaliya laba gool ayuu dhaliyey waana tiradiisa ugu hoseeysa ilaa iyo hada marka ay timaado Real.

Marka la bar bar dhigo 2014-15, Ronaldo waxa uu dhaliyey 13 gool, halka xilli ciyaareedkii la soo dhaafay uu shan gool dhaliyey lix kulan oo uu ciyaaray.

Sidoo kale waxa uu ku guul darreeystay in uu gool ku dhaliyo Santiago Bernabeu afartii kulan ee ugu dambeeysay –  waa taariikh kale oo in laga miseero mudan.

Xitaa nasiib ma lahayn marka uu kubadda cagta ku haysti, kaliya waxa uu dhammeystiray saddex gooysmo 15 mar oo uu isku dayey horyaalka La Liga.

Lionel Messi ayaa hada hor kacaya loolanka loogu jiro Pichichi isaga oo lahe 7 gool oo uu ku dhaliyey 7 kulan waxaana soo raaca Luis Suarez.

Ronaldo waxa uu hada tartan kula jiraa Gerard Pique oo ay kaalinta 34-aad waxaa la mid ah Sergio Ramos, Hugo Mallo iyo Raul Garcia.

ronaldo-goals-gfx_s5strev5z8v51acisxf65qvt7

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close