“N’Golo Kante wuxuu dhaliyaa goolal ka badan kuwa Cristiano Ronaldo.”. David Luiz

kante

(London) 24 Oktoobar 2016. David Luiz ayaa ammaan ugu qubeeyay madaalaha kooxdooda ee N’Golo Kante kaddib goolkii cajiibka ahaa uu ka dhaliyay Man United kulankii ay shalay kaga adkaadeen 4-0.

Kante ayaa si qurux badan inta kubbada u qaatay u gooyay Chris Smalling dabadeedna kubbada daba mariyay goolhaye David de Gea.

Chelsea defender David Luiz insists the former Leicester midfielder is a 'totally amazing player'

Daafaca reer Brazil oo kaftamaya ayaa sheegay in Kante uu tababarka kooxda ku dhaliyo goolal ka badan kuwa Cristiano Ronaldo.

“Xariifkan waa mid gaar ah, waa qof cajiib ah iyo ciyaaryahan cajiib ah. Waxaan u maleynayaa inuu qof kasta arkay markii uu goolka dhaliyay, qofkasta aad iyo aad ayuu ugu faraxsanaa isaga,” David Luiz ayaa sidaa us heegay The Sun.

“Gabi ahaan waa ciyaaryahan cajiib ah iyo qof cajiib ah aad ayaan ugu faraxsanahay isaga.

Kante ayaa shalay goolkiisii ugu horreeyay u dhaliyay Chelsea, laakiin David Luiz ayaa sheeganaya in kubbad bur-buriyaha reer France uu tababarka kooxda ku dhaliyo goolal ka badan kuwa Ronaldo.

“Goolal badan ayuu dhaliyaa, tababarka marka la joogo wuxuu dhaliyaa goolal ka badan kuwa Cristiano Ronaldo.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close