Kieran Gibbs oo markale kabtan u noqon doona Arsenal kulanka Reading

(London) 24 Okt 2016 Tababare Arsene Wenger ayaa go’aasaday inuu ku soo galo safkiisa keydka ah kulanka habeen dambe ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda Reading koobka League Cup-ka.

Wenger ayaa shaaciyay in daaficiisa Kieran Gibbs uu markale u noqon doono kabtan kooxdiisa Arsenal kulanka Reading kadib markii uu horay kabtanimada u xirtay kulankii ka horeeyay ee Nottingham Forest.

Tababaraha reer France ayaa sidoo kale cadeeyay in weerar yahankiisa Giroud uu qayb ka yahay kulanka habeen dambe inkasta oo uusan shaacin inuu ku soo bilaaban doono iyo in kale.

“Shaxdaydu waxay ahaan doontaa mid u dhaw tii Nottingham Forest, waxaan haysanaa Gabriel, Holding iyo Jenkinson oo dib u soo laabtay kaas oo ciyaari doona” ayuu yiri Arsene Wenger ka hor kulanka.

“Reine-Adelaide waa uu ciyaari doonaa, Iwobi, Lucas iyo Chamberlain iyaguna waa ay ciyaari doonaan, Gibbs oo kabtan u ahaa kooxda kulankii Nottingham Forest markale ayuu kabtan noqon doonaa”.

“Waxaan rumaysanahay in Giroud uu qayb ka noqon doono shaxdayda, laakiin Ramsey xili hore ayeey ku tahay, haatan ayuu dib ugu soo laabtay tababarka buuxa”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close