Garsooraha dhex dhexaadin doono kulanka Man United iyo Man City ee abracada oo la shaaciyay

joo

(Manchester) 24 Oktoobar 2016. Waxaa lagu dhawaaqay dhex dhexaadiyaha kulanka Derby Manchester ee arbacada ka dhici doona Old Trafford kulan ka tirsan EFL Cup.

Garsoore Mike Dean ayaa dhex dhexaadin doona kulanka ay Man United arbacada marti galin doonto Man City.

Mike Dean to referee Manchester derby clash

Waa markii saddexaad uu 48-jirka dhex dhexaadinayo kulan Manchester Derby ah, kii ugu dambeeyay uu dhex dhexaadiyo wuxuu ahaa ciyaar ay Man City 2-1 uga adkaatay Man United 2013  kulan ka dhacay Old Trafford oo waxaa goolasha u dhaliyay James Milner iyo Sergio Aguero.

Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli uu jah wareer xoogan ku jiro tababare Jose Mourinho oo isagu guul darro xoogan kala soo kulmay kooxdiisii hore ee Chelsea kulankii shalay ee Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close