Booliiska oo gacanta ku soo dhigay taageerihii wax yeeleeyay Neymar

Photo published for Furious Valencia fan hits Neymar in head with a water bottle after Lionel Messi goal

(Valencia) 24 Okt 2016 Booliiska magaalada Valencia ayaa ugu danbayntii gacanta ku soo dhigay taageerihii dhalada ku dhiftay laacibka Barcelona ee Neymar.

Neymar ayaa la caaytamay taageerayaasha Valencia xili uu ka qayb qaadanayay dabaal dagii Messi ee goolkii 3-aad ee Barcelona ay ka dhalisay Valencia kulankii sabtiga.

Sida laga soo xigtay AS, Booliiska oo kaashaday kooxda Valencia ayeey u suurogashay inay gacanta ku soo dhigaan taageerihii dhalada ku dhiftay Neymar kaas oo xabsiga la dhigay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Valencia ay ka cabsi qabto inay ganaax lacageed kala kulanto xiriirka kubadda cagta Spain, waxaa kale oo macquul ah in dhawr kulan la xiro qayb ka mid ah garoonka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close