3-koox oo dooneysa inay ka faa’iideystaan xaalada aan daganeyn ee Sergio Aguero

ser

(Manchester) 24 Oktoobar 2016. Pep Guardiola ayaa keydka ku soo bilaabay Sergio Aguero kulankiisii ugu muhiimsanaa ee Barcelona tartanka Champions League wuxuuna wareysigiisa ku sheegay in Aguero xor yahay kana tagi karo kooxda goortuu doono.

Haddaba dhaliyaha reer Argentina ayaan waayi doonin koox uu ku biiro haddii uu ka soo tago Man City sida uu sheegayo warsidaha Daily Express.

Aguero ayaa si xoogan lala xiriirinayay inuu si lama filaan ah uga tago gegada Etihad Stadium usbuucii la soo dhaafay kaddib markii uu ka dhacay dooqa Pep Gaurdiola.

Paris Saint-Germain, AC Milan iyo Real Madrid ayaa dhammaan dalabyo ka gudbin kara Aguero mustaqbalka dhow.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close