Wayne Rooney iyo Henrikh Mkhitaryan oo laga waayay xiddigaha Man United ee u safray Chelsea…(Maxaa helay?)

waaa

(Manchester) 23 Oktoobar 2016. Wayne Rooney iyo Henrikh Mkhitaryan kuma ay jirin shaxdii Man United ee u safartay London si ay galabta ula ciyaaraan Chelsea, warar dhawaan gal ah ayaa sidaa sheegaya.

Wiilasha Jose ayaa galabta wajihi doona Blues, waa soo laabashadii ugu horreysay macallinka reer Portugal tan iyo sidii shaqada Chelsea looga soo ceyriyay.

maaa

Kabtanka Reds iyo xulka qaranka Ingiriiska kaa oo kal ciyaareedkan la kulmayay dhaleeceymo ku aadan bandhigiisa ayaa kulankiisii ugu horreeyay safka hore ee Man United muddo bil ah kaddib ku soo laabtay ciyaartii ay 4-1 uga adkaadeen Fenerbache tartanka Europe League.

Yeelkeede, sida ay sheegeyso Manchester Evening News, 30-jirka ayaan ka mid ahayn shaxdii Man United ee ka dagatay London.

Mkhitaryan oo isna usbuucan uun soo muujiyay niyad jabka iyo jahwareerkiisa ku aadan inaan la safin ayaa isna la safrin kooxda sida la warinayo.

Lama garnayo sababata looga soo tagay labadan laacib inkastoo Sky Sports ay warineyso in Rooney looga soo tagay dhaawac muruqa ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close