Ogoow hal caqabad oo hor istaagi karta in Thiago Silva uu ku biiro Juventus

silva

(Torino) 23 Okt 2016 Kooxda Juventus ayaa si wayn u doonaysa kabtanka kooxda PSG ee Thiago Silva kaas oo haatan ku jira xiliciyaareedkiisii ugu danbeeyay ee kooxdiisa.

Qandaraaska Thiago Silva ee PSG ayaa ku eg dhamaadka xiliciyaareed kan, agaasimaha guud ee Juventus ayaana shalay shaaciyay inay isku dayi doonaan saxiixa 32 jirka reer Brazil.

Laakiin waxaa jira hal shardi oo hor istaagi kara in Juventus ay gacanta ku soo dhigto laacibkii hore ee kooxda AC.Milan.

Image result for Thiago Silva

Heshiiska Thiago Silva uu kula jiro PSG waxaa ku jira qodob qoraya in kooxdu ay ka saxiixi karto hal sano oo dheeraad ah haddii kooxdu ay u soo baxdo Champions League xiliciyaareedkan.

Dhanka kale kooxda AC.Milan ayaa doonaysa inay ku dagaalanto dib u soo celinta Thiago Silva.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close