Muddada uu garoomada ka maqnaan doono Andres Iniesta oo la shaaciyay

ini

(Catalonia) 23 Oktoobar 2016. Kubbad qaabeeyaha reer Spain ee kooxda Barcelona Andres Iniesta ayaa waqtiga la dagaalami doona is uu taam ugu noqdo kulanka El Clasico ee ugu soo horreeya kaddib dhaawac halis ah oo ka soo gaaray jilibka kulankii xalay ay kooxdiisu dirqiga kaga adkaatay Valencia.

Goor hore xalay Barca ayaa soo saartay warbixin ah in kabtankeeda uu dhaawac ka gaaray seedka jilibka isla markaana la qiimeyn doono inta uu garoomada ka maqnaan doono.

inii

Hasayeeshee, iminka ayay soo saartay inuu laacibku garoomada ka maqnaan doono 6 ilaa 8-usbuuc taa oo ah ku dhawaad labo bilood.

Iniesta ayaa garoonka laga qaaday kulankii xalay ay la yeesheen Valencia markii ay ciyaartu mareysay 14-daqiiqo oo qura.

Xiddiga reer Spain ayaa iminka la dagaali doona waqtiga si uu taam ugu noqdo kulanka El Clasico ee ugu soo horreeya kaa oo 4-ta December ka dhici doona Camp Nou, kulanka ayaa dhici doona lix usbuuc kaddib.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close