Horseed oo kullan kala bax ah wajihi doonta dhigeeda  Dekedda

img_0924

(Muqdisho) 23 Okt 2016.Kooxda Horseed ayaa kullan xiiso badan  waxa ay wajihi doontaa naadiga Dekedda, waxaana kullankaas uu ka tirsan yahay koobka Janeraal Daa’uud.

Kullankaan ayaa ka dhici doona garoonka Jaamacaddaha ee degmada Hodan , waxaana koox kaste ay dooneysaa in ay guul gaarto.

Wiilasha uu hoggaamiyo  macallin Cumar Caruus ayaa kullankii ugu dambeeyay guuldarro kala kulmay dhiggooda Heegan markii loogu adkaaday  2-1.

Kooxda Dekedda ayaa dhankeeda bar baro lasoo gashay kooxda Singjet  ciyaartii ugu dambeysay guruubka A,  koobka Janeraal Daa’uud.

Koobkaan ayaa waxaa lasoo billaabay qabashadiisa sanadka markuu ahaa 1972-kii  waxaana difaacaneysa naadiga Cawo iyo Maalin ee Horseed oo sanadkii lasoo dhaafay ka qaaday Heegan.

Saxiixyada cusub ee kooxda Dekedda ayaa xooga saaraya sidii ay kooxda ugu qaadi lahaayeen koobka Jenraal Daa’uud oo ay ka xigto kaliya saddex ciyaar.

Kullankii ugu dambeeyay ay wada ciyaareen labadaan kooxood waxa uu kusoo dhamaaday bar baro 2-2 waana ciyaar dhacday 17/03/2016, kana tirsaneyd horyaalkii soo dhamaaday ee 2015-2016

Horseed ayaa waxaa ka hor imaan doono galabta xiddigaheedii hore ee Cabaas Aamiin, Mustaf Cirro iyo Xasan Siidoow Hilloowle.

Kullankaan waxaa kaarka cas ku seegi doono weeraryahanka Dekedda horayna  u soo maray Horseed ee C/Qaadir Yariis.

Sikastaba Horseed iyo Dekedda, kooxdii  u  soo baxdaa  wareega afar dhamaadka ee koobkaan  waxa ay la ciyaari doontaa mid kood tii soo baxdaa  Jeenyo iyo Rajo oo iyagana ku ciyaaraya garoonka Koonis.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *