“Dhaawaca Eric Bailly waa mid halis ah” – Jose Mourinho

(Manchester) 23 Okt 2016 Tababaraha kooxda Man United ee Jose Mourinho ayaa ka hadlay dhaawicii soo gaaray caawa daaficiisa Eric Bailly kaas oo laga saaray ciyaarta.

Jose Mourinho ayaa ciyaarta ka saaray Eric Bailly daqiiqadii 52-aad ee qaybtii dambe kadib dhaawac soo gaaray waxaana badalkiisa soo galay Marcos Rojo.

Tababaraha reer Portugal oo ka hadlay dhaawaca daaficiisa Eric Bailly ayaa sheegay inuu yahay mid aad u xun maadama uu ka dhaawacmay seedaha jilibka.

“Waa uu dhaawacmay, waxaan ka cabsi qabaa in dhaawiciisu uu yahay mid halis ah, dhaawiciisu waa dhanka jilibka agagaarka seedaha, wuxuu dareemayay dhaawac aad u xun” ayuu yiri Jose Mourinho dhamaadkii ciyaarta.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close