Lampard: Man United waxa ay uga fadhidaa Pogba in uu rarka dhigo

pogba-lingard-man-united-gossip-724001

(London) 22 Okt 2016. Frank Lampard waxa uu ku nuux nuuxday in Paul Pogba looga fadhiyo Manchester United in uu qiimihiisa u muujiyo.

Pogba oo dib ugu soo laabtay Manchester United xilli uu noqday xiddiga dunida ugu qaalisan kaddib markii ay ka soo bixisay xagaagan £89m ayaa ku fashilmay in uu bandhigyadii wanaagsanaa ee Turin kula yimaado Old Trafford.

Laacibka reer France waxa uu laba gool dhaliyey kulankii ay 4-1 ku garaaceen Fenerbahce tartanka Europa League khamiistii.

23 jirka waxaa si dhiifoon diiradda loogu hayn doonaa marka United ay Stamford Bridge ku wajahdo Chelsea berri.

Halyeygii Chelsea Lampard waxa uu ugu baaqay Pogba in uu rarka ku dhigi sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Bilwo gaabis ah ayey Pogba u tahay,”ayuu Lampard u sheegay the Sun.

“Arinta dhibta badan ayaa ah qof waliba waxa uu fiirinayaa qiimaha laga soo bixiyey iyo wax walba oo la socda.

“Kaddib waxaad ku laabaneysaa waxyaabaha aas aaska ah iyo in aad eegto nooca ciyaaryahan ee uu yahay.

“Ma aha Lionel Messi –  mid gambiya ma aha ama 40 gool ololihii keena.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close