EPL: Kooxda Liverpool oo hoggaanka horyaalka Ingiriiska kula midowday Arsenal, kaddib guul ay ka gaartay West Brom… + SAWIRRO

(Liverpool) 22 Okt 2016 – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa hoggaanka horyaalka Premier League la qabatay Arsenal, kaddib markii ay guuldarro 2-1 dusha u saartay West Bromwich Albion oo marti ugu ahayd garoonka Anfield.

Kooxda Liverpool ayaa goolasha la horreysay waxaana 21’daqiiqo goolka hore u dhaliyey Sadio Mane, isagoo dhammaystiray, karoos miisaaman oo uu soo qaaday Roberto Firmino.

Goolkaas waxa uu ka dhiganaa in Sadio Mane uu ku lug lahaa 15 gool 18-kii kulan ee ugu dambeeyey heerkiisa kooxaha, waxa uu dhaliyey 12 gool, isagoo caawiye ka ahaa 3 gool oo kale.

Liverpool ayaa goolka labaad la timid qeybtii hore ee ciyaarta waxaa 36’daqiiqo u dhaliyey Philippe Coutinho oo baas gaaban uu ka helay Sadio Mane inta u qabtay difaacyada daba-mariyey goolhaye Ben Foster oo shabaqa ugu jiray West Brom, kaasoo kulanka ka dhigay 2-0 oo ay ku gacan sarreysay Reds, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Goolka Philippe Coutinho waxa uu ka dhignaa inuu ku lug leeyahay 6 gool, sagaal kulan oo uu horyaalka Premier League ciyaaray xilli ciyaareedkan, waxa uu dhaliyey 4 gool, isagoo caawiye ka ahaa 2 gool oo kale.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay kooxda West Bromwich Albion ayaa hal gool iska soo guday waxaana 82’daqiiqo koorno la soo qaaday oo la isla booday kaddib kubadda inta garab ku dajiyey shabaqa dhigay Gareth McAuley, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-1 ay ku adkaatay Liverpool.

Kooxda Reds ayaa hoggaanka horyaalka Premier League kula midowday Arsenal oo maanta barbaro gashay, waxaana labadan kooxood ay wada leeyihiin min 20-dhibcood.

SAWIRRO:

cvy1wruweaa8el5

cvy2asnwaaihlyw

cvy3aztwaaa91q_

cvy10w0w8aez75g

cvy16cdxyaaua7e

cvzckxmxeaejkdy

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close