EPL: Arsenal oo barbaro la gashay Middlesbrough, xilli macallinkooda Arsene Wenger ay maanta ku beegan tahay dhalashadiisa iyo kulamadii kale… + SAWIRRO

(London) 22 Okt 2016 – Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa barbaro la gashay Middlesbrough oo marti u ahayd kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Kulankan ayaa labadii qeybood ku soo dhammaaday barbaro goolal la’aan 0-0, geesiga kulankanna waxa uu ahaa goolhayaha Gunners ee Cech, kaasoo fursado dhowr ah ka beeniyey Middlesbrough oo qudheedu badbaadooyin waa wayn sameysay.

Arsenal ayaa haddii ay adkaan lahayd kulankan waxa ay hoggaanka horyaalka Premier League ku qaban lahayd saddex dhibcood, laakiin hadda waxa ay hal dhibic kaga haysaa Man City oo uu kulan baaqi u yahay.

Gunners waxa ay ku guuldarreysay inay guul siiso tababareheeda Arsene Wenger oo maanta ay ku beegan tahay dhalashadiisa, macallinka reer France ayaana maanta 67 sano jirsaday.

Kulamadii kale ee la ciyaaray horyaalka Premier League:-

Burnley 2 – 1 Everton

Hull City 0 – 2 Stoke City

Leicester City 3 – 1 Crystal Palace

Swansea City 0 – 0 Watford

West Ham United 1 – 0 Sunderland

SAWIRRO:

cvyi7c7xyaayxtx

cvyki9tw8aaeopz

cvyki9xxgaatrwu

cvyki9yw8aapyul

cvyki97w8aaivat

cvymkq5wcaevxsb

cvymrmrwgaaokgw

cvyu0avwcaanwgr

cvyuvfxwgaavb1a

cvyux5axgaabezh

cvyuzi_waaejx5q

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close