AC MILAN VS JUVENTUS: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan! (Il Classico Italianna)

(Milano) 22 Okt 2016 – Waxaa caawa kulan aad u xiise badan oo lana wada sugayo ku faltami doona camaaliqooyinka Talyaaniga ee AC Milan vs Juventus oo markii ugu horreeysey muddo 5 sano ah ku tartamaya kulan figta sare ah.

DHANKA AC MILAN: Kulankan wuxuu Montella Juve ku wajahayaa isla safkii AC Milan ee soo garaacay Chievo oo uu ka maqan yahay Lapadula oo uu bedelayo Bacca, inta kale waa xiddigihii kulamadii ugu dambeeyay ciyaarayay.

Abate iyo De Sciglio waxay dabooli doonaan dadabyada iyagoo ah labada dadab ee qura ee kulankan u diyaar ah maaddaama ay dhaawac yihiin Calabria, Vangioni iyo Antonelli. Dhexda waxaa markii 2-aad oo xiriir ah dheeli doona 18-jirka soo baxaya ee Manuel Locatelli, oo garbihiisa buuxinayaan Bonaventura iyo Kucka, waxaana kasii horreeya muluqyada Suso iyo Niang oo Bacca caawinaya.

DHANKA JUVENTUS: Allegri, wuxuu dib ugu yeeray Rugani iyo Mandzukic. Waxaase weli maqan Chiellini iyo Pjaca, sidoo kale Asamoah iyo Mandragora.

Muluqa Kean ayay dhici kartaa inuu kulan-bilowgiisii helo isagoo ciyaarta gadaal kasoo gelaya, halka Benatia oo bedeli doono Chiellini oo dhaawacan.

Marchisio weli wuxuu kululaynayaa kaydka, Sturaro, Pjanic iyo Khedira ayaa waxaa baalashooda buuxinaya Alex Sandro iyo Dani Alves oo qaab wiifoow ah u baaxaa degaya, iyadoo weerarka loogu bogey labada barbaar ee reer Argentina ee Higuain-Dybala.

untitled

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close