RASMI: Neymar oo qandaraas ugub ah qalinka ugu duugay Barcelona

hd-neymar-barcelona_czvgojytygg31q9dbh16ce9bs

(Barcelona) 21 Okt 2016. Barcelona waxa ay xaqiijisay in Neymar uu qalinka ku duugay qandaraas uu muddo dheer ku joogayo kooxda, ilaa iyo bisha Juunyo 30-keeda, 2021.

Xeyn-daabka lagu bur burin karo ee iminka lagu gadaamay waxa uu noqonayaa €200 million, oo sare ugu kici kara €222m bisha Juunyo ee dambe halka uu gaari doono sanad kaddib €250m.

Waxaa lagu wadaa in la siiyo €115m oo ka madax banaan canshuurta shanta olole ee oo socda, walow laga filayo in uu saxiixo qandaraas sanad dheeri ah waa hadii uu sii joogo kooxda ilaa iyo 2021.

Laacibka ka soo jeeda Brazil, kaas oo ay hereereeyeen warar la’isla dhex qaadayey – kuwaas oo la xiriirinayey Paris Saint – Germain ayaa iminka qishay in uu Camp Nou u dareemayo sida gurigiisa.

“Waan ku faraxsanahay in aan cusbooneysiiyo qandaraaskeyga kooxda; dhabtii waxaan dareemayaa sida in aan joogo gurigeyga,’ ayuu u sheegay Barca TV.

barca

“Kahor inta aan imaan Barcelona waxaa hore ula socday in ay koox weyn tahay.

“Ciyaaryahanada halkan waa kuwo la yaab leh, marka aad banaanka ka joogto, taas oo iga yara bajin jirtay kahor inta aan ku soo biirin.

“Laakiin durba markii aan soo galay qolka abiska waxaa cadeyd in ay yihiin kuwo dhulka yaal [Waxa uu Neymar hadalkaas ula jeedaa in aysan isla weyni jirin],’ Waxa uu intaa raaciyey: “Taas xaqiiqdii aad ayey iiga yaabisay, waxa ayna iga caawisay in aan saldhigto.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close