RASMI: Atletico Madrid oo heshiis cusub u gacan galisay Carrasco

cvsmwabvyaawtto

(Madrid) 21 Oktoobar 2016. Atletico Madrid ayaa xaqiijisay inay heshiis cusub ku abaal marisay weeraryahankeeda Ferreira Carrasco.

Naadiga sare u heysa hogaanka La Liga ayaa labo sano oo qandaraas cusub ah ka saxiixatay xiddiga reer Belgium.

https://pbs.twimg.com/media/

Carrasco ayaa qaab ciyaareed aad u wacan ku jira kal ciyaareedkan isagoo goolka guusha u dhaliyay kooxdiisa ciyaartii ay 1-0 uga adkaadeen Bayern Munich ka hor inta uusan saddexleey dhalin kulankii ay 7-1 uga adkaadeen Granada.

Wuxuu sidoo kale dhaliyay goolkii guusha ee soo daahay ay kooxdiisu kaga adkaatay Rostov arbacadii.

23-jirka ayaa aad ugu faraxsan inuu saxiixay heshiis cusub uu ku sii joogayo caasimada Spain ilaa 2022.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan sanado badan la sii socdo Atletico Madrid.” Laacibka ayaa sidaa yiri kaddib heshiiskiisa cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close