‘Mourinho ilama hadli jirin’, – Moses

victor-moses_1c5eoe03zw4li1bm7377wu5267

(London) 21 Okt 2016. Victor Moses ayaa waqti wanaagsan oo waayihiisa ah ku jira tan iyo markii uu xilka tababbarenimo qabtay Antonio Conte halka uu xiriir xun kala dhexeeyey Jose Mourinho.

Garabkii hore ee Wigan Athletic waxa uu Stamford Bridge ku soo biiray 2012, laakiin guul darro ayuu kala kulmay sidii uu door joogta ah uga heli lahaa kooxda waxaana dhawr mar lagu diray amaah.

Hase yeshee, waxa uu ku guuleystay aaminaada Talyaaniga dhawrkii milood ee ay wada joogeen London,si joogta ah ayuu u ciyaaraa, badanaa garab weerar –difaac.

“Waan ku faraxsanahay in aan soo laabtay,” ayuu Moses  u sheegay ESPN FC. “Waxaan u qabay in aan wax wanaagsan sameeyey ololehaygii kowaad ee halkan , laakiin caqabado jjiray  – Rafa Benitez oo tagay, Mourinho oo yimi –  xaqiiqdii fursad la’ima siin.

“Jose Mourinho waligii ila hadlin. Waxaan niyada iska iri,’ Ciyaaryahanadiisa durba wuu haystaa.’

“Waxaan umaleeynayaa in aan dhawr mar Telefoonka kawada hadalnay –  waxa uu I weydiiyey in xaalkeyga Liverpool hagaagsanaa [Halkaas amaah ayuu Moses ku joogay]. Laakiin intaas uun ayey ahayd.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close