Liiska 10-ka sare ee Usbuucii qaata mushaarka ugu badan kubbada cagta adduunka…(Messi iyo Ronaldo kuma jiraan halka aad ka fileyso)

rrr

(World) 21 Oktoobar 2016. The Sun ayaa warineysa in Neymar uu ugu dambeyn qallinka ugu duugay Barcelona heshiiskii qaaliga ahaa ee la wada sugayay ee 5-ta sano kaa oo usbuuciiba ku qaadanayo adduun dhan 275,00 oo bound.

Laakiin Neymar kama dhigeyso midaa inuu noqday laacibka ugu mushaarka badan kubbada cagta iskaba dhaafee xitaa ma noqon laacibka ugu mushaarka badan xiddigaha reer Brazil.

Hulk is the world's highest-earning footballer at a whopping £320,000-a-week

Hull ayaa ah laacibka ugu mushaarka badan xiddiga reer Brazil iyo waliba kubbada cagta adduunka oo wuxuu jeebka uga shubtaa kooxda shiineeska ah ee Shanghai SIPG adduun dhan 320,000 oo bound usbuuciiba.

Dhaliyaha reer Talyaani Graziano Pelle ayaa noqday laacibka labaad ee ugu mushaarka badan kubbada cagta adduunka isagoo usbuuciiba ka qaata 290,000 oo bound naadiga Shandong Lunen gee dalka Shiinaha.

Xiddiga ugu qaalisan kubbada cagta adduunka Paul Pogba ayaa kaalinta 3-aad ka soo galay xiddigaha ugu mushaarka badan, waxaana ku xiga Ronaldo oo afaraad galay, halka Neymar iyo Messi ay isku mushaar yihiin.

EEG LIISKA TOBANKA SARE:

FULL LIST (wages per week):

1 HULK – £320,000

2 GRAZIANO PELLE – £290,000

3 PAUL POGBA – £290,000

4 CRISTIANO RONALDO – £288,000

5= NEYMAR – £275,000

5= LIONEL MESSI – £275,000

7 WAYNE ROONEY – £260,000

8 YAYA TOURE – £230,000

9 SERGIO AGUERO – £230,000

10 ASAMOAH GYAN – £227,000

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close