”Gool dhalinta waa iiga dhegtaa” – Carlos Bacca

(Milano) 21 Okt 2016 – Qannaaska AC Milan ee Carlos Bacca ayaa kooxdiisa usoo jeediyay ‘inay madax deggan ku wajahaan kulamada xiga’ isagoo dhanka kale sheegay in gool dhalintu ay tahay wax ‘ay uga dheggan tahay’.

Mar uu ka hadlayay bandhigyadiisa shakhsiga ah ee Rossoneri, wuxuu daboolka ka qaaday in gool dhalintu ay muhim u tahay laacibka weerarka ah.

“Miyaan jeclahay inaan magacayga ku arko sabuuradda gool dhalinta? Waa qanaaco muhim ah,” ayuu kuyiri Corriere della Sera.

“Miyay iiga dhegtaa gool dhalinta? Weerar yahanku wuxuu kooxda ku caawiyaa shaqadiisa, xooggiisa, wax huriddiisa iyo gool dhalintiisa.” ayuu raaciyay.

“Sanadkii hore bandhigyo wanaagsan waan samaynaynay balse joogto ma ahayn, hadda weli wax kuma guulaysanin. Waxaan ciyaaraynaa 3 kulan middo 8 maalmood gudohood ah, haddii aynaan ku guulaysanin middoodna, wax kasta way is bedelayaan. Waa inaan madax deggan ku wajahnaa, waan fiicannahay waanse kasii rayn karnaa.” ayuu yiri.

Foto LaPresse - Spada 13 gennaio 2016 Milano  ( Italia) Sport Calcio Milan - Carpi  Coppa Italia  TIM Cup 2015 2016 - Quarti di finale  " Stadio San Siro " Nella foto:  bacca gol 1-0 Photo LaPresse - Spada 13 01 2016 Milan ( Italy) Sport Soccer Milan - Carpi  Italian Cup - TIM Cup 2015 2016 - Quarter Finals  - " San Siro  Stadium " In the pic:   bacca goal 1-0
Foto LaPresse – Spada
13 gennaio 2016 Milano ( Italia)
Sport Calcio
Milan – Carpi
Coppa Italia TIM Cup 2015 2016 – Quarti di finale ” Stadio San Siro “
Nella foto: bacca gol 1-0
Photo LaPresse – Spada
13 01 2016 Milan ( Italy)
Sport Soccer
Milan – Carpi
Italian Cup – TIM Cup 2015 2016 – Quarter Finals – ” San Siro Stadium “
In the pic: bacca goal 1-0

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close