Conte oo xaqiijiyay in Terry uu diyaar u yahay kulanka Man United…(Laakiin muxuu ka yiri Willian oo ay Hooyadii geeriyootay iyo Oscar oo Awoowihii dhintay)

terrrr

(London) 21 Oktoobar 2016. Kabtanka Chelsea ayaa taam u ah kulanka axada ee Premier League ay kooxdiisu la yeelan doonto Man United sida uu xaqiijinayo tababare Antonio Conte.

Terry ayaan ka soo muuqan Blues tan iyo dhaawicii ka soo gaaray ciyaartii ay 2-2 la galeen kooxda Swansea City bishii September.

Warar soo baxay usbuucan ayaa soo jeedinayay in 35-jirka uu dib u dhac ku yimid soo kab sashadiisa laakiin Conte ayaa dafiray wararkaa wareysi uu bixiyay maanta.

“Xaalad fiican ayuu ku jiraa Terry, waxuu la tababartay kooxda,” Conte ayaa sidaa yiri.

“Wuu xaliyay dhibaatadiisa canqowga. Usbuucan si fiican ayuu tababarka u sameeyay waa la heli karaa kulanka.

“Terry waa kabtankeena ciyaaryahan muhiim ah ayuuna inoo yahay.”.

Image result for Terry, Willian and Oscar

Dhanka kale Chelsea ayaa go’aan ka qaadan doonta waqti dambe inuu safan karayo Willian iyo in kale maadaama uu laacibku dib ugu soo laabtay London khamiistii uun kaddib hooyadii oo dhimatay,  sidoo kale Oscar ayaa isna awoowgii dhintay.

“Willan wuxuu dib u soo laabtay subixii khamiista intaa kaddibna labo tababar ayuu inala qaatay.

“Laakiin xaaladan waa muhiim in la sii wado dhinac yada oo dhan. Sidoo kale waan la hadlay ciyaaryahanka, aniga iyo kooxduba waan ka xunnahay xaaladiisa iminka sidoo kale Oscar.

“Oscar wuxuu u duulay Brazil dhimasho ku timid awoowihii. Waa muhiim in laga fikiro dhinacyada oo dhan waxaadna sameynaysaa go’aan sax ah.

“Waxaan sidoo kale heystaa berito si aan u akro xaalada, laakiin waan ku celinayaa waa muhiim iminka inaan taageerno isaga, maxaa yeelay markaad hooyadaa wayso markasta waa wax xun.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close