Banaadir oo dirqi ku badisay iyo Jeenyo oo dhib la’aan uga adkaatay Gantaalaha Afgooye + SAWIRRO

(Muqdisho) 20 Okt 2016.Kooxda Banaadir ayaa dirqi  uga badisay naadiga Gaadiidka ciyaar ka tirsan koobka Janeraal Daa’uud oo galabta ka dhacday Garoonka Koonis.

Ciyaarta ayaa ku billaabatay si dar dar ah, waxaana labada kooxood ay qeybtii hore iska qasaariyeen fursado wanaagsan oo goolal loo filan karay.

Kooxda Gaadiidka ayaa qeybtii hore ciyaarta oo gaba gabo ku dhaw  waxaa kaarka cas laga siiyay xiddigaha Sadaam Gaab oo daafaca ka ciyaara iyo Ibraahim Budka oo qeybta dhexe ka dagaalama, xilli labo daqiiqo isku xigta garoonka laga saaray xiddigahaas.

Qeybtii hore ee kullanka ayaa lagu kala nastay 0-0, waxaana intaas kaddib la aaday wada tashi xilli Otebaarka ay laba xiddig ka maqanaayeen.

Markii dib la’isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Kooxda Banaadir ayaa la timid gool, waxaana shabaqa soo taabsiiyay xiddiga kabtanka u ah ee Daadir Aamiin Cali.

Wiilasha uu hoggaamiyo Taree ayaa marar badan ku dhawaaday in ay shabaqa taabtaan, balse goolhaye Thomas ayaa ka diiday waxaana ugu dambeyn ay ciyaarta kusoo dhamaatay 1-0 oo ay ku adkaatay BSC.

Kooxda Gaadiidka ayaa isaga hartay tartankaan, markii ay noqotay naadiga ugu goolal yar guruubka D,  gaar ahaan kuwa u ordaayay  u soo bixitaanka wareega labaad ee koobkan.

Dhanka kale kooxda Jeenyo ayaa dhib la’aan uga badisay Gantaalaha Afgooye, markii ay ku dhaafeen 4-1, waxaana Jeenyo goolasha u dhaliyay Shaarkeey, Feysal Xaashi iyo labo gool uu ansixiyay C/Casiis Catoosh

Sikastaba heerka guruubyada koobka Janeraal Daa’uud ayaa galabta lasoo gaba gabeeyay waxaana guruubka D kazoo baxay kooxaha Jeenyo iyo Banaadir S.Club.

_mg_1004 _mg_1010 _mg_1024 _mg_1034 _mg_1039 _mg_1042 _mg_1061 _mg_1069 _mg_1085 _mg_1092 _mg_1113 _mg_1115 _mg_1116 _mg_1118 _mg_1128 _mg_1140

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close