Saxaafadda Ingiriiska oo Goolhayaha Manchester City ku tilmaantay ‘Musiibo, Nacas iyo mid Eber ah’

skysports-claudio-bravo-man-city-champions-league_3812248

(London), 20 Okt 2016   –Warbaahinta Ingiriiska ayaa eedda guuldarradii xalay ay Manchester City kala kulantay Barcelona 4-0 dusha ka saartay goolhayaha City, Claudio Bravo oo isagu kaarka cas loo taagay daqiiqaddii 53′ xilligaas oo ay Barcelona lahayd 1′ gool oo qura.

“Nasiib darro ayay igu ahayd inaan noqdo midkii ciyaarta wax ka beddelay, waxay ahayd inaan dhumiyay natiijada” ayuu goolhaye Bravo u sheegay weriyeyaasha dhammaadkii ciyaartii xalay.

Wargeyska ‘The Sun’ ayaa Bravo ku tilmaamay Musiibo iyo Nacas, halka Jaraa’idka ‘Telegraph’ uu magaca ka beddelay goolhaye Bravo oo uu u bixiyay Goolhaye Eber/Zero (Bravo to Zero).

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close