SAWIRRO: Guruubka C  ee koobka Janeraal Daa’uud oo galabta la soo gaba gabeeyay

(Muqdisho) 20 Okt 2016.Kooxda Heegan ayaa guul ka gaartay naadiga Horseed ciyaar ka tirsan koobka Janeraal Daa’uud oo galabta ka dhacday garoonka Koonis.

Kullanka ayaa ahaa mid aad u xiiso badan waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hoggaamineso Heegan waxaana shabaqa soo taabtay xiddiga C/risaaq Zlatan.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyarta kooxda Horseed ayaa la timid goolkii bar baraha waxaa u ansixiyay xiddiga weerarka ee Cadaani Ciise Bare, isagoo ciyaarta ka dhigay 1-1.

Ciyaarta oo gabo gabo mareysa naadiga Heegan ayaa la timid goolkii labaad waxaana u dhaliyay xiddiga Nuur  iyadoo ugu dambeyn ciyaarta kusoo dhamaatay 2-1.

Kooxda Heegan ayaa kaalinta koowaad ugu soo baxday guruubkaan,halka Horseed ay iyadana  booska labaad kusoo baxday.

Dhanka kale garoonka Jaamacadaha  waxaa ka dhacday ciyaar xiiso badan waxa ayna la yeelatay naadiga Somali Friut, iyadoo Elman ku badisay 4-2.

Sikastaba guruubka C, waxaa ka haray kooxaha  Elman iyo Somali Friut, markii ay la yimaadeen dhibciha ugu yar guruubkaan.

img_0884 img_0887 img_0889 img_0893 img_0894 img_0895 img_0898 img_0901 img_0903 img_0908 img_0909 img_0911 img_0914 img_0916 img_0921 img_0922 img_0924 img_0925 img_0926 img_0927 img_0928 img_0929 img_0930 img_0932 img_0933 img_0935

Sawir qaade: C/Fitaax Nani

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close