RASMI: Kooxda Marseille oo macallin cusub u magacaabatay tababarihii hore ee Roma Rudi García

marselia

(Marseille) 20 Okt 2016 – kubadda cagta Marseille ayaa macallinkeeda cusub u magacaabatay tababare Rudi García.

52-sano jirkaan ayaa xilkaan cusub loo magacaabay todoba bilood kaddib markii uu ka tagay shaqada tababarenimo ee kooxda Roma.

Rudi García waxa uu aqbalay heshiis saddex sanadood ah oo uu kula sii joogi doono kooxda reer France ee Marseille.

Franck Passi ayaa si ku meel gaar ah jagadaasi kooxda Faransiiska u haayay tan iyo bishii April, kaddib markii xilka laga qaaday Michel oo isna 8 bilood ku fadhiyay kursigii uu banneeyay macallin Marcelo Bielsa.

Hadda waxa uu kooxda Marseille kulankiisa ugu horreeya macallin Garcia hoggaamin doonaa ciyaarta ay ka hor jeedaan naadiga Paris Saint-Germain ee Axadda soo aaddan ka dhici doonta garoonka Parc des Princes.

Intii lagu guda jiray labadii sanadood oo uu tababaraha u ahaa kooxda Roma macallin Garcia waxa uu gaaray 60 guul, 32 kulan barbaro ayuu galay, halka 22 ciyaarood uu guuldarro la kulmay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close