Gerard Pique iyo Jordi Alba oo la ogaaday muddada ay garoomada ka maqnaan doonaan

pppppp

(Catalonia) 20 Oktoobar 2016. Gerard Pique ayaa garoomada ka maqnaan doona in ka badan intii la filayay markii hore kaddib dhaawicii ka soo gaaray canqowga ciyaartii xalay ay Barca 4-ta gool ugu awooda sheegatay Man City tartank Champions League.

Waxaa markii hore la filayay inuu garoomada ka maqnaan doono muddo 10-cisho ah balse iminka waxa uu maqnaan doonaa saddex usbuuc taa oo keeneysa inuu seego kulamada horyaalka La Liga ay la ciyaari doonaan Valencia, Granada iyo Sevilla, iyo waliba kulanka lugta labaad Champions League Man City ee lagu ciyaari doono Ingiriiska.

Jordi Alba oo isna ku dhaawacmay isla kulankii xalay dhibaato muruqa ah ayaa lagu wadaa inuu garoomada ka maqnaado muddo labo usbuuc ah.

Daafaca reer Spain ayaa la arkaa oo laga yaabaa inuu diyaar u noqdo kulanka ay Barca Etihad Stadium kula soo ciyaari doonto Man City 1-da November.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close