Elman iyo  Somali Friut oo galabta isku dhagan

(Muqdisho) 20 Okt 2016. Kooxaha Elman iyo  Somali Friut ayaa galabta ku ballansan garoonka Jaamacadaha degmada hodan ee gobolka Banaadir, ciyaar ka tirsan koobka Janeraal Daa’uud.

Naadiga Elman ayaa kullankii ugu dambeeyay guuldarro 1-0 kala kullantay naadiga Horseed, halka Somali Friut loogu adkaaday 4-0.

Kooxda uu hoggaamiyo  macallin Cawaale ee Somali Friut ayaa laga ciribtiray tartankaan markii laga badiyay labadii kullan ay ciyaartay.

Haddii Elman ay ku badisa 5-0, oo laga badiyo kooxda Heegan, naadiga Elman waxa ay usoo bixi doontaa wareega labaad koobka Janeraal Daa’uud.

Kooxda Heegan ayaa dhankeeda u soo bixitaanka wareega labaad waxaa ka xigta kaliya hal dhic, xilli ay doonayso galabta  in ay kaalinta koowaad ugu soo baxdo guruub C.

Sikastaba  galabta ayaa lasoo gabo gabeyn doonaa guud ahaan guruubka C, waxaana la sugayaa kooxdii raaci laheyd Horseed oo xaqiijisay in guruubkaan ay kasoo baxday.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close