Mourinho; “Ma jiro qof aan la taaban karin oo mar walba boos joogto ah ka haysta safka Man United”

jose-mourinho-690x450

(Manchester), 19 Okt  2016    –Tababaraha kooxda Manchester United, Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan ciyaartoyda kooxdiisu ay isku mid yihiin oo aysan jirin qaar la taaban karo iyo kuwo lama taabtaan ah oo mar walba boos joogto ah ka haysta safka 1-aad.

Xiddigaha kala ah Zlatan Ibrahimovic iyo Paul Pogba oo ay Manchester la soo wareegtay xagaagan ayaa waxay ku guul darreysteen in ay gool dhaliyaan kulankii Isniintii Anfield ku dhex maray Man Utd iyo Liverpool 0-0.

“Sheekadaas waxay ahayd 11 sanadood ka hor, waa koox kale oo ka dheesha Premier League oo ka duwan tii hore iyo marxaladdii horeba, waxaan ahayn kooxdii ugu wanaagsanayd” ayuu yiri Mourinho.

“Lama taabtaanka kooxdayda waa inuu yahay niyadda, daacadnimada iyo kibirka kooxda isla markaana ay tixgeliyaan taageerayaasha, taasaa ah lama taabtaan ee ciyaartoyda ma ahan” ayuu saxaafadda u sheegay Jose Mourinho.

Mar wax laga weydiiyay 35 jirka Reer Sweden ee booska fiican ka haysta kooxda Manchester United ee Zlatan Ibrahimovic ayuu Mourinho ku jawaabay “Waan ku faraxsanahay, waxa uu na siinayaa dhab ahaantii wixii aan ka doonaynay ama wixii aan ka fileynay”.

Manchester United waxa ay habeen dambe Old Trafford ku marti gelinaysaa kooxda Fenerbahce ee Turkiga ciyaar ka tirsan Europa League, halka Axadda soo socotana ay marti u noqon doonaan kooxda Chelsea oo ay dheeli doonaan kulan culus oo ka tirsan Horyaalka Ingiriiska.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close