Kullamo ka tirsan koobka Janeraal Daa’uud oo galabta la ciyaari doono

koob-494x354

(Muqdisho) 19 Okt 2016. Garoonka Koonis degmada C/Casiis ee gobolka Banaadir ayaa galabta lagu ciyaari doono kullan aad u xiiso badan kaasoo ka tirsan koobka Janeraal Daa’uud.

Kullanka galabta ayaa ah mid adag waxaana isaga hor imaan doono geegada Banaadir kooxaha Savaana iyo Midnimo oo ku wada jira guruubka B.

Kooxda Midnimo ayaa kullankii ugu dambeeyay guuldarro kala kullantay naadiga Rajo, halka Savaana ay bar baro la dhafi weysay Bariga Dhexe.

Savaana ayaa leh hal dhibic, halka Midnimo ay wadato saddex dhibcood  waxaana guruubkaan kasoo baxday kooxda Rajo.

Sida sharciga ah tartankan heerkiisa guruubyada, waxaa lagu soo baxaa farqiga goolasha markii ay yimaadaan dhowr kooxood oo isku dhibco ah, taasoo macquul noqon karta in ay isku dhibco noqdaan labo ka mid  ah, saddexda naadi ee kala ah Bariga Dhexe., Savaana iyoMidnimo

Dhanka kale garoonka Jaamacadaha waxaa galabta lagu ciyaari doonaa kullan aad u xiiso badan oo daba socda kan Koonis lagu dheelayo.

Waxaa is arki doono kooxaha Bariga Dhexe iyo Rajo, xilli kooxda uu hoggaamiyo Macallimuu Aawdaada ay kasoo baxday guruubkaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close