Eden Hazard oo fariintan u diray daafacyada Chelsea ka hor kulankooda Man United

hazard

(London) 19 Oktoobar 2016. Xiddiga Chelsea Eden Hazard ayaa u sheegay daafacyada kooxdiisa Chelsea inay ilaashadaan shabaqooda kulanka adag ay axada la yeelan doonaan Man United.

Laacibka reer Belgium ayaa dhaliyay goolkiisii 3-aad ee kal ciyaareedka ciyaartii dhaweyd ay Blues 3-0 uga adkaatay Leicester City.

Chelsea ayaa diiwaan gashatay kulankeedii labaad ee aan wax gool ah laga dhalin kulamadii Leicester City iyo Hull City, taa oo keentay in wiilasha Antonio Conte ay wadada dib u helaan kaddib guul darooyinkii ka soo gaaray Liverpool iyo Arsenal.

http://img.bleacherreport.net/img/images/photos/002/521/706/

Blues ayaa axada wajihi doonta Man United oo uu hor kacayo macallinkoodii hore ee Jose Mourinho wuxuuna Hazard ku booriyay daafacyada kooxdiisa inay shabaqooda ilaashadaan kulankaasi muhiimka ah.

“Sida kulankii Hull City, marka ay goolal kaa dhalaneyn waad ogtahay inay fududahay inaad kulamada guuleysato,” Hazard ayaa sidaa u sheegay bogga Chelsea.

“Marka aad xoogan tahay daafac ahaan kalsooni ayaad u keeneysaa gabi ahaan kooxda, aad ayayna u sahlan tahay inaad goolal dhaliso.”.

Kooxda ka arrimisa Stamford Bridge ayaa ku jirta kaalinta 5-aad ee Premier League, 16-dhibcood ayay urursatay, waxaa laga dhaliyay sagaal waxayna dhaliyeen 15-gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close