Ciyaaryahankii hore ee Arsenal ayaa kala wareegay Xavi magacii ‘Mudanaha Baasaska’

FBL-EUR-C1-DINAMO-SEVILLA

(Sevilla) 19 Okt 2016. Samir Nasri waxa uu dib u helay qaab ciyaareedkiisii wacnaa kulankii ay Sevila 1-0 xalay uga badisay Dinamo Zagreb.

Nasri ayaa goolka dhaliyey.

29 jirka 13 kulan ayuu Manchester City u saftay kal hore, walow laga saaray ciyaaryahanadii Guardiola sababo la xiriira miisaankiisa oo siyaaday.

Kaliya Xavi ayaa isku dayey baasas ka tiro badan intii Nasri ee xalay sanadii 2005/2006

Laakiin waqtiga uu amaah ahaana ku joogo Sevilla, Nasri waxa uu noqday furaha dhinaca Jorge Sampaoli.

Baasaskii u dhiibayey kulankaas waxa ay ahaayeen kuwo saameyn leh.

Kaliya Xavi ayaa isku dayey baasas ka tiro badan intii Nasri ee xalay sanadii 2005.

Nasri waxa uu dhaliyey goolal badan ololahan heerka uu marayo  marka la bar bar dhigo xilli ciyaareedkii hore oo dhan.

 

-Hada Nasri saddex gool ayuu leeyahay kolkan, waxa ayna ka badan tahay intii uu dhaliyey kal hore oo dhan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close